Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa hoggaamiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen…

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa hoggaamiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay'adaha maaliyadda dawlad goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo lagu…

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa hoggaamiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay'adaha maaliyadda dawlad goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ahaa mid wax-ku-ool ah waxaa ka soo qayb-galay qaybaha ugu muhiimsan ee maaliyadda dawladda, oo ay ka mid yihiin Guddiga Maaliyadda ee Golaha Wakiillada, Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Ajendaha kulanka wuxuu diiradda saarayay qodobada oo waaweyn sida Dardar-gelinta hannaanka maaliyadeed ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, si loo gaadho maarayn maaliyadeed oo hufan, casri ah, oo waafaqsan xeerarka iyo nidaamyada maaliyadda dadweynaha.

Warbixinta xaaladda dhaqaale ee dawladda, iyadoo si faahfaahsan looga wada hadlay dakhliga, kharashaadka, iyo horumarka guud ee dhaqaalaha dawlad goboleedka iyo Hirgelinta hawlaha hormarineed ee mudnaanta u leh maaliyadda dawladda, kaas oo kor u qaadi doona hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo waxtarka adeegyada maaliyadeed.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay isla-garasho iyo go'aanno wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay'adaha maaliyadda, si loo horumariyo maaraynta maaliyadda dadweynaha loona hubiyo in maaliyadda dawladda si hufan, daah-furan, oo mas'uuliyad leh loo maareeyo.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay u ballan-qaadaysa shacabka inay sii wadi doonto dadaallada lagu casriyeynayo hannaanka maaliyadeed iyo kor-u-qaadista hufnaanta iyo la-xisaabtanka.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)