Wasiirka Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa booqasho ku tagay Safaaradda…
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Washington, DC, halkaas oo uu kulan midho…

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Washington, DC, halkaas oo uu kulan midho dhal ah kula yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka.
Kulanku intii uu socday, Wasiirku wuxuu Safiirka uga warbixiyay xalaadaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iyo horumarka siyaasadeed ee Dowladda Waqooyi Bari.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Safiirka waqtigiisa, soo dhaweyntiisa wanaagsan, iyo doorka uu ka qaadanayo arrimaha muhiimka u ah horumarka iyo iskaashiga.


