Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay hawl-wadeennada cashuuraha Berriga
Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa kulan shaqo iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay hawl-wadeennada Cashuuraha Berriga. Kulankan ayaa…

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa kulan shaqo iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay hawl-wadeennada Cashuuraha Berriga. Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo habsami-u-socodka shaqada, caqabadaha jira, iyo horumarka laga sameeyey waajibaadka shaqo ee cashuuraha berriga.
Intii uu kulanku socday, Agaasime Ku-Xigeenka Dakhliga ee Cashuuraha Berriga ayaa Wasiir Ku-Xigeenka uga warbixiyey hanaanka shaqo ee waaxda, waxqabadkii la qabtay muddadii u dambaysay, caqabadaha hortaagan shaqada, ilaalinta hantida dawladda ee ay ku shaqeeyaan, iyo guud ahaan warbixinta shaqaalaha ka hawlgala cashuuraha berriga.
Wasiir Ku-Xigeenka ayaa uga mahadceliyey hawl-wadeennada dadaalka iyo shaqada ay u hayaan Dawladda Waqooyi Bari, isaga oo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si loo xoojiyo ururinta dakhliga dawladda.
Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay inay si wanaagsan u ilaaliyaan hantida dawladda ee lagu aaminay, korna u qaadaan isfahamka, wada shaqaynta, iyo isku-duubnida shaqaalaha dhexdooda.
Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan dhab ah oo ku dhisan hufnaan iyo daahfurnaan, isaga oo xusay in la hirgelin doono nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shaqaalaha.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in la abaalmarin doono hawladeenada muujiya karti, dadaal, iyo waxqabad muuqda, si loo dhiirrigeliyo tayada shaqada iyo kor u qaadista adeegyada cashuuraha berriga.


