Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo kormeer KU sameeyey Waaxda Dakhliga
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha wasiirka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Waaxda Dakhliga, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dayactir…

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha wasiirka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Waaxda Dakhliga, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dayactir iyo ballaadhin lagu samaynayo dhismaha waaxda.
Kormeerku intii uu socday, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo farsamayaqaannada gacanta ku haya mashruuca, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey heerka uu marayo dayactirka iyo ballaadhinta dhismaha, iyo qorshayaasha lagu tayeynayo goobta shaqada.
Wasiir Ku-Xigeenka ayaa xusay in horumarinta xarumaha shaqadu ay muhiim u tahay kor u qaadista tayada adeegyada ay bixiso Wasaaradda Maaliyaddu, gaar ahaan waaxaha laf-dhabarta u ah ururinta dakhliga dowladda. Waxa uu ku ammaanay masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada dadaalka ay ugu jiraan hirgelinta mashruucan, isaga oo ku boorriyey in shaqada lagu dhammeeyo waqtigii loogu talagalay iyo tayada loo baahan yahay.
Dayactirka iyo ballaadhinta Waaaxda ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono hagaajinta goobta shaqada, kordhinta hufnaanta adeegyada, iyo sare u qaadista awoodda Waaxda Dakhliga ee gudashada waajibaadkeeda.


