Wasaaradda Maaliyadda waxay ku wargalinaysaa dhammaan tartamayaasha boosaska cashuur ururiyeyaasha ee ka banaana…
Wasaaradda Maaliyadda waxay ku wargalinaysaa dhammaan tartamayaasha boosaska cashuur ururiyeyaasha ee ka banaana Laascaanood in ay iska hubiyaan Liiska ku daabacan website-ka Wasaaradda,…
Wasaaradda Maaliyadda waxay ku wargalinaysaa dhammaan tartamayaasha boosaska cashuur ururiyeyaasha ee ka banaana Laascaanood in ay iska hubiyaan Liiska ku daabacan website-ka Wasaaradda, adiga oo riixaya linkiga hoose si aad u ogaato in aad u gudubtay marxaladda imtixaanka.
Si loo xaqiijiyo in tartame kasta uu helo fursad isku mid ah, Wasaaradda Maaliyaddu waxay hadda si guud u shaacinaysaa liiska gaaban (short list) ee buuxiyay shuruudihii ku xusanaa baahinta boosaska.
Wasaaradda sidoo kale waxay ogeysiinaysaa in dhammaan tartamayaasha ay soo xaadiraan 15-ka Janaayo 2025, saacadda 8:00 subaxnimo, ee Jaamacadda Nugaal, oo ku dhow Masjid Jaamaca.
https://mof.kh.gov.so/index.php/short-list-tax-collector/
Mahadsanidiin.


