Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
Announcement

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban…

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban (short list) boosaska shaqo ee ka banaana ee cashuur ururiyayaasha…

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban (short list) boosaska shaqo ee ka banaana ee cashuur ururiyayaasha Laascaanood oo ku saabsanaa fahanka guud cashuuraha.

Tababarkan muhiimka waxaa bixiyey Agaasimaha Guud, sidoo kale waxaa qayb ka ahaa tababarka Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Xogta iyo Xidhiidhka, iyagoo diiradda lagu saaraya in kor loo qaado aqoonta fahanka cashuuraha ee tartamayaasha, tababarka oo ka caawin doona tartamayaasha marxalada xigta ee Imtixaanka.

Wasaaraddu waxay wadaa dadaalkeeda ku aaddan dhismaha shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh oo kaalin muuqata ka qaadan doona kor u qaadista dakhliga, dhaqaalaha iyo horumarinta Maamulka SSC-Khaatumo.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)