Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Kulanka qayb ka mid ah guddiyadda dhaqaalaha Waqooyiga Ameerika iyo Wasaaradda Maaliyadda

Laascaanood – Xarunta Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda ee SSC-Khaatumo ayaa maanta ku qaabishay Xaruntaheeda Guud wafdi ka socday qayb ka mid ah Guddiyadda Dhaqaalaha ee…

Laascaanood – Xarunta Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda Maaliyadda ee SSC-Khaatumo ayaa maanta ku qaabishay Xaruntaheeda Guud wafdi ka socday qayb ka mid ah Guddiyadda Dhaqaalaha ee Waqooyiga Ameerika. Wafdigan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiqani Xuseen X. Hiirad.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi iyo isbarasho ah, ayaa waxaa lagu lafaguray arrimo dhowr ah oo la xidhiidha dhaqaalaha iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac. Hawl-wadeennada Wasaaradda, oo uu horkacayo Agaasimaha Guud, ayaa warbixin ka siiyay wafdiga shaqooyinka muhiimka ah ee qabsoomay, iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga Dhaqaalaha ayaa si wayn u bogaadiyay shaqada mugga leh ee ay qabteen hawl-wadeennada Wasaaradda, iyaga oo u muujiyay mahadnaq Balaadhan, una rajeeyay guul iyo horumar dheeraad ah.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo dardar-geliyo horumarka dhaqaale ee gobolka.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)