Imtixaanka Tartamayaasha Boosaska Bannaan ee Cashuuraha Laascaanood oo Si Guul ah U Soo Dhamaaday
18ka Janaayo, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay imtixaankii loogu talagalay shaqooyinka ururinta cashuuraha ee Laascaanood, kaas oo…

18ka Janaayo, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay imtixaankii loogu talagalay shaqooyinka ururinta cashuuraha ee Laascaanood, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda Ummadda Ileys.
Imtixaanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqadda iyo Shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyo Agaasimaha Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Agaasimaha Iibka iyo Qandaraasyadda. Masuuliyiintaasi waxay kormeereen habsami u socodka imtixaanka iyo hubinta in uu hufan loo qaaday, taas oo muujinaysa sida ay Wasaaradda uga go'an tahay hirgelinta nidaam shaqaalaysiin oo daahfuran sidoo kale hufan.
Waxaa Maanta imtixaanka s ugu fadhiistay 90 codsade oo horay ugu soo gudbay Liiska gaaban ( Short List), kuwaas oo u tartamayay shaqooyinkii ay soo bandhigtay Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Imtixaankan waxaa loogu talagalay in lagu soo xulo shaqaale xirfad iyo karti u leh qaadista cashuuraha, si loo xoojiyo nidaamka dakhliga iyo adeegyada ay Wasaaradda Maaliyaddu u fidiso bulshada. Tani waxay qayb ka tahay dadaalka Wasaaradda ee lagu kobcinayo awoodaha shaqaalaha iyo lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee SSC-Khaatumo.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadaysaa dhiirigelinta aqoonta, abuurista shaqooyin loo maro nidaam daahfuran, iyo hirgelinta maamul hufan oo lagu kasbado kalsoonida bulshada.
Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo


