Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa maanta si rasmi ah u…
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar ku saabsan kor u qaadista dakhliga dowladda, kaas oo…

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar ku saabsan kor u qaadista dakhliga dowladda, kaas oo loo qabanayo hawl-wadeennada Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan shaqaalaha waaxda dakhliga.
Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ka hadlay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay horumarinta awoodda shaqaalaha iyo dardargelinta dadaallada lagu kobcinayo dakhliga dowladda. Waxa uu xusay in Dowladda Waqooyi Bari ay muddooyinkii u dambeeyay si joogto ah u wadday qorshayaal iyo ololeyaal lagu xoojinayo nidaamka dakhliga, kor loogu qaadayo ururinta cashuuraha, isla markaana lagu ballaarinayo ilaha dakhliga dowladda.
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in tababarkani qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha Wasaaradda ee lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo, una taageeraan hirgelinta qorshayaasha dowladda ee kobcinta dakhliga gudaha.
Tababarka waxaa bixinaya la-taliye Jacfar Maxamed Axmed, oo ah xeeldheere khibrad dheer u leh arrimaha dakhliga iyo maamulka maaliyadda, kana soo shaqeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa la qorsheeyay in tababarku socdo muddo 9 maalmood ah, iyadoo inta uu socdo lagu baran doono hababka casriga ah ee maamulka dakhliga, dardargelinta cashuuraha, xoojinta nidaamyada dakhliga, iyo kor u qaadista isla xisaabtanka maaliyadeed.
Ugu dambeyn, maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta tababarrada noocan oo kale ah, si loo helo shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh oo door muuqda ka qaata horumarinta dakhliga dowladda iyo xoojinta adeegyada bulshada.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


