U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu…

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu waddo dardargelinta iyo kor u qaadista Dakhliga Gudaha si loo xoojiyo…

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Daahir Qodax ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu waddo dardargelinta iyo kor u qaadista Dakhliga Gudaha si loo xoojiyo adeegyada bulshada, loo daboolo kharashaadka hay’adaha dowladda, loona joogteeyo xuquuqda ciidamada.

Waxaa si rasmi ah loo bilaabay qorshe cusub oo lagu kordhinayo dakhliga dowladda, iyadoo qorshahan diiradda lagu saarayo

-balaadhinta goobaha cashuuraha iyo casriyeyntooda dijitaalka
-Gaadhista degmooyinka iyo kastamyada
-Wacyigelinta bulshada iyo muhiimada bixinta cashuurta

Ugu danbayn Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan cashuur bixiyaayashu in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)