U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
Ogeysiis

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban…

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban (short list) boosaska shaqo ee ka banaana ee cashuur ururiyayaasha…

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay maanta tababar u qabatay tartamayaasha u soo gudbay liiska gaaban (short list) boosaska shaqo ee ka banaana ee cashuur ururiyayaasha Buuhoodle oo ku saabsanaa fahanka guud cashuuraha.

Tababarkan muhiimka waxaa bixiyey Agaasimaha Guud, sidoo kale waxaa qayb ka ahaa tababarka Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Xogta iyo Xidhiidhka, Agaasimaha miisaaniyadda, Qorshaynta iyo Isuduwaha Gobolka Cayn iyagoo diiradda lagu saaraya in kor loo qaado aqoonta fahanka cashuuraha ee tartamayaasha, tababarka oo ka caawin doona tartamayaasha marxalada xigta ee Imtixaanka.

Wasaaraddu waxay wadaa dadaalkeeda ku aaddan dhismaha shaqaale aqoon iyo xirfad sare leh oo kaalin muuqata ka qaadan doona kor u qaadista dakhliga, dhaqaalaha iyo horumarinta Maamulka SSC-Khaatumo.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo.

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)