U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ayaa ka qayb-galaysa Shirka Guddiga Farsamada ee (IGFF) Guddi-Hoosaadka…

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ayaa ka qayb-galaysa Shirka Guddiga Farsamada ee (IGFF) Guddi-Hoosaadka Miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada…

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ayaa ka qayb-galaysa Shirka Guddiga Farsamada ee (IGFF) Guddi-Hoosaadka Miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir , kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Agaasimayaasha Miisaaniyadda iyo hawlwadeenada Miisaaniyadda, si loo xoojiyo iskaashiga, isku-duwidda, iyo wadaagga khibradaha la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta miisaaniyadda.

Inta uu shirku socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta habraacyada miisaaniyadda, is-weydaarsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha maaliyadda ee heerarka kala duwan ee dawlada, si loo taageero maamul maaliyadeed oo hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan nidaamka Federaalka.

Ka qaybgalka Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ee shirka ayaa muujinaya sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga dawladeed iyo horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dalka.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)