Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Miisaaniyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka…
Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Miisaaniyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah loogu soo xidhay magaalada…

Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Miisaaniyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah loogu soo xidhay magaalada Muqdisho, waxaana soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Federaalka Soomaaliya, kaddib wada-tashi iyo dooddo ku saabsan horumarinta hannaanka miisaaniyadaha dalka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray mideynta iyo is-waafajinta habraacyada diyaarinta miisaaniyadaha Dawlada Federaalka, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo diyaarinta miisaaniyadda sannadlaha ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii bulshada looga qaybgelin lahaa geeddi-socodka miisaaniyadda ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


