U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay Kulanka Dardargelinta iyo Kor-u-qaadista Dakhliga Dowladda iyo Ganacsatada Dowladda…

Qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay Kulanka Dardargelinta iyo Kor-u-qaadista Dakhliga Dowladda iyo Ganacsatada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka qabsoomay Caasimadda Laascaanood . 1.…

Qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay Kulanka Dardargelinta iyo Kor-u-qaadista Dakhliga Dowladda iyo Ganacsatada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka qabsoomay Caasimadda Laascaanood .

1. In la dardargeliyo kor u qaadista dakhliga gudaha si loo xoojiyo adeegyada Dowladda iyo horumarinta bulshada.

2. In la xoojiyo iskaashiga Dowladda iyo Ganacsatada, maadaama ay yihiin laf-dhabarta koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

3. In si rasmi ah loo hirgeliyo Tacriifada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya laga bilaabo Maalinta Sabtida, ah oo ku beegan 13/06/2026.

4. In la joogteeyo wada-tashiga iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda iyo Ganacsatada si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee DWS .

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)