U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (2/15)

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dawladda Waqooyi Bari Marwo Niciima Axmed Cismaan oo kamida Guddiga Qor u qaadista Dakhliga Waqooyi Bari ayaa ka qayb…

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dawladda Waqooyi Bari Marwo Niciima Axmed Cismaan oo kamida Guddiga Qor u qaadista Dakhliga Waqooyi Bari ayaa ka qayb gashey Maalinka Labaad Ee Ololaha Qor u qaadista Dakhliga

Wasiirka Oo ka hadashey Muhiimada Dakhliga Ayaa Bulshada Waqooyi Bari, Gaar ahaana Ganacsatada, Qurbajoogta iyo qaybaha kala duwan Ee bulshada ugu baaqdey ka qayb qaadashada Qor u qaadista Dakhliga Dawladda.

Ujeedada Ololahan ayaa ah Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Gargaarka Degdega ah.

Wasiir Niciima Axmed Cismaan ayaa Sheegtay ka go'naanshaha Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Dawladda Waqooyi Bari.

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)