Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (12/15)
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Dib udhiska Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa ka qayb galey Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda Wasiirka ayaa…
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Dib udhiska Dawladda Waqooyi Bari Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa ka qayb galey Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda
Wasiirka ayaa Bulshada Waqooyi Bari ugu baaqey ka qayb qaadashada Ololahani oo muhiimad wayn u leh Dakhliga, laf-dhabarna u ah koboca dhaqaalaha.
"Dawlad waxay ku dhisantaa taageerada iyo garab istaaga, shacabkeedu garab istaagan, waxa ugu muhiimsan taageeradaasna waa Cashuuraha
Waxaynu u baahan nahay kaabayaal dhaqaale inaynu dhisano, waxaynu u baahan nahay garoomo, waxaynu u baahan nahay wadooyin, waxaynu u baahan nahay schoollo iyo weliba horumar kale"
Sido kale wasiirka ayaa kula dardaarmay Shirkadaha Gaadiidleyda iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ee la xidhiidha Wasaaradda gaadiidka inay adeegyada kala duwan ka qaatan Xafiisyada Wasaaradda.
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


