Kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furmay
Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaraadda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa ka qayb…

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaraadda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa ka qayb galay kulanka wasiiradda maaliyaddaha, kaas oo uu shir-gudoomiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay weheliso Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow.
kulankan oo ah kii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa maanta ka furmay Caasimadda Muqdisho isagoo socod doona muddo labo maalmood ah.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wadashaqeynta iyo isku-dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka, dardargelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya. Waxaa si gaar ah looga doodayaa horumarinta wadaagga kheyraadka dalka iyo mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo xaqiijiyo nidaam maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana waara.
Kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aan iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii ambaqaadi doono dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed ee dalka, si loo xoojiyo horumarka iyo xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


