Kulanka Wasiiradda Maaliyadda ee Dawlad Goboleedada iyo Gobolka Banaadir
Wasiirka Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa ka qayb galay kulanka Wasiiradda Maaliyadda, kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa waxaa shir gudoominayay…

Wasiirka Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa ka qayb galay kulanka Wasiiradda Maaliyadda, kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiir Maaliyadda DFS Mudane Biixi Iiman Cige.
Shirkaan waxaa dib loogu eegay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Dalka, iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhaqan galinta qorshaha dakhliga mideysan iyo hirgelinta hannnaanka dhijitaalka ee Maamulka Maaliyadda ee loo soo gaabiyo (SFMIS).
Qodobada harsan ee muhiimka u ah hannaanka guud ee Maaliyadda dalka ayaa la isku raacay in looga doodo shirka xigga ee Madasha oo la qorshaynayo in la qabto bartamaha bisha dambe ee February 2026.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


