U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Kulan soo dhawayn iyo duco ee Wasiirka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari

Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda iyo qayb ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda ayaa la qaatay kulan soo dhawayn iyo duco ah oo lagu maamuusayo Wasiirka Maaliyadda Dawladda…

Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda iyo qayb ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda ayaa la qaatay kulan soo dhawayn iyo duco ah oo lagu maamuusayo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqani Xuseen Hiirad.

Intii lagu guda jiray kulanka, madaxda iyo hawlwadeennada wasaaradda ayaa Wasiirka ku amaanay shaqadii hufnayd iyo dadaalkii muuqday ee uu ka sameeyay Wasaaradda Maaliyadda, taas oo sababtay in Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, uu dib ugu magacaabo xilkaas muhiimka ah.

Sidoo kale, xubnihii kulanka ka hadlay waxay u rajeeyeen Wasiirka in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna guuleysto gudashada waajibaadkiisa si daacadnimo iyo karti leh.

Dhankiisa, Wasiir Cabdiqani ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo ducada, isagoo ku boorriyay dhammaan hawlwadeennada in ay labo jibaaraan dadaalkooda shaqo, ayna xooga saaraan kor u qaadista aqoonta iyo tayada shaqada si loo gaadho horumar waara oo dhinaca maaliyadda ah.

-Dhamaad-

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)