U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
Ogeysiis

Imtixaanka Tartamayaasha Boosaska Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

23ka Octoobar, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay imtixaankii loogu talagalay labo boos oo ah shaqooyinka Miisaaniyadda, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal.…

23ka Octoobar, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ayaa si rasmi ah u soo gabagabaysay imtixaankii loogu talagalay labo boos oo ah shaqooyinka Miisaaniyadda, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal.

Waxaa Maanta imtixaanka u fadhiistay 50 codsade oo u gudbay Liiska gaaban ( Short List), kuwaas oo u tartamayay shaqooyinkii ay soo bandhigtay Wasaaradda Maaliyaddu.

Imtixaankan waxaa loogu talagalay in lagu soo xulo shaqaale xirfad iyo karti u leh gudashada shaqooyinka Miisaaniyadda, si loo xoojiyo nidaamka Miisaaniyadda iyo adeegyada Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadaysaa dhiirigelinta aqoonta, abuurista shaqooyin loo maro nidaam daahfuran, iyo hirgelinta maamul hufan oo lagu kasbado kalsoonida bulshada.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Waqooyi Bari

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)