Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa saxeexay Miisaaniyadda 2025
Xeer Hoggaamiye No.XH/33/2025 Laascaanood, 16 Febraayo 2025:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta saxeexay Miisaaniyadda 2025, kaddib ansixintii…

Xeer Hoggaamiye No.XH/33/2025
Laascaanood, 16 Febraayo 2025:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta saxeexay Miisaaniyadda 2025, kaddib ansixintii Golaha Baarlamaanka.
Sharcigan ayaa lagu meel mariyey si waafaqsan qodobka 11aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo, iyada oo Baarlamaanku si rasmi ah u soo gudbiyey si uu Hoggaamiyuhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa uga mahadceliyay Guddoonka Golaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada sharafta leh sida masuuliyadda leh ee ay u ansixiyeen sharcigan, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii wadaan dadaallada lagu dhammeystirayo xeerarka kale ee horyaalla.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in Miisaaniyadda 2025 iyo Sharciga Hanti-dhowrka Guud ay laf-dhabar u yihiin maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha deegaanka, waxana uu caddeeyay in ay door weyn ka ciyaari doonaan kobcinta isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


